Somali News

mas’uuliyiin Muqdisho kuyeeshay Kulan lagu taageeray go’aankii Wasiir Goodax

Muqdisho-KNN-Iyadoo inta badan magaalooyinka waawey ee gobolada dalka ay maanta ka dhaceen  mudaharaadyo looga soo horjeedo go’aankii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay ku hakisay Imtixaankii mideysnaa ee u socday Ardayda dhameysatay Dugsiyada Sare ee dalka ayaa waxaa maanta Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlaayo arintaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa iskugu yimid mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Dalladaha Waxbarasho ee dalka.

 Kulanka ka dib ayaa si wadajir ah mas’uuliyiintaasi waxa ay ugu baaqeen  Ardayda Dugsiyada Sare in ay joojiyaan mudaharaadyada kuna laabtaan guryahooda ayna u hoggansamaan amarka Wasiirka Waxbarashada oo ahaa in Imtixaanka 2018/2019 ay  Ardayda u diyaar garoobaan galidiisa 27-ka ilaa 31-da bishaan May.