Uncategorized

Mas’uuliyiin shalay ku dhintay qarax miino oo maanta Muqdisho lagu aasay.

Muqdisho-KNN- Waxaa maanta magaalada Muqdisho  lagu aasay Xildhibaano ka kala tirsanaa Maamullada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo labo askari oo kamid ahaa ilaalada mas’uuliyiinta  kuwaa oo shalay ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cli (Baraf) ayaa Alle ha u naxariistee waxaa uua haa wasiiru dowlaha amniga maamulka koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi halka Axmed Cabdi Faarax Rabbi naxariista janno haka waraabiyee uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele.

waxaa lagu aasay dhamaan qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

aaska ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya , Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele waxaana ay dhamaan ka tacsiyeeyeen geeri ku timid.