Uncategorized

Mas’uuliyiinta Lamu ee Kenya oo dalbaday in Baaritaan lagu sameeyo waxa najiito la’aanta dhigay Howlgaldda Ciidamada ee Lamu.

Lamu-KNN-Isku xiraha Gobolka Xeebta Kenya Nelson Marwa ayaa soo saaray walaac soo kordhaya oo ku aadan Howlgaladda ay qaadaan Ciidamadda Kenya ee ay ka wadaan keynta Booni.

Marwa ayaa waxaa uu su’aal galiyay Sababta Howlagaladda September 2015 kii si loo dhameeyo weeraradda Al-shabaab ay y miro dhali la’ayihiin .

“labo sano ayaan howl gal kawadnaa Gobolka Lamu, mana aanan gaarin hadafkii ahaa in al-shabaab laga saaro keynta ayuu yiri marwa.

Isku xiraha Gobolka xeebtu waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in su’aalo la iska weeydiiyo sababta ay Al-shabaab Weeradda u qaadayaan iyadoo ay Ciidamadda Kenya ay arrinta Faro galiyeen.

Masuuliyiinta Lamu ayaa sheegay in ay ka daaleen in Al-shabaab ay Dad ku dilaan  deegano ay Ciidamadda Kenya kawadaan howlagallo is dabajoog ah.

Masuuliyiinta ayaa Dolwadooda waxaa ay ka dalbadeen in ay sameeyso Baaritaan Qoto dheer oo ku sababsan sababta ay ciidamadda Kenya Najiito uga soo hoyla’ayihiin.

Waxay sheegeen in Baaritaanadu ay muhiim u yihiin sidii  lahelo Howlagallo nadiifin kara Al-shababka ka dagaalama keynta Booni.

Hadalka kasoo baxaya Masuuliyiinta Lamu ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo Labo sano ay u Buuxsantay Markii Dowladda Kenya ay bilowday Howlgaladda ay ka waddo Kenya Booni.