Sports

Mauricio Pochettino oo dhumin kara mid kamida xidigihiisa ka hor inta uusan xirmin suukha.

Muqdisho-KNN-Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu iska iibiyo daafaca bidix ee kooxdiisa Danny Rose ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

28-jirkaan ayaa ku maqnaa fasax u ciyaarista xulka England lkn waxaa sidoo kale ka haray kooxdii u safratay Newcastle United Sabtida, inkastoo dhowr ciyaaryahan oo England ah ay ku jireen safka kooxdiisa Tottenham.

Rose ayaa hoos u dhac lagu arkay sanadii lasoo dhaafay, iyadoo Ben Davies uu door bidayo inuu ka hormariyo macalinka Tottenham, Mirror ayaana sheegeysa in waqtigiisa Waqooyiga London uu soo dhamaanayo xidigan.

Kooxda Jarmalka ee Schalke 04 ayaa lala xiriirinayay isbuucii hore, laakiin kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain ayaa la sheegay inay tahay doorkiisa ugu fiican si uu ugu biiro.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in ay noqon karto tartan adag oo lagu heli karo xidigan, inkastoo qiimahiisa lagu sheegay £50m ka hor bisha August 31 oo uu suukha iibsiga ciyaartooyda soo xirmayo ayaa laga dhowraya hadii uu xidigan uusii joogayo ama uu baxayo.