Somali News

Maxaa diirada lagu saaray shirka golaha wasiirada ee koofur galbeed?.

Baydhabo-KNN-Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ay yeeshan ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey madaxweynaha maamulka Koofur  Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

Shirka ayaa waxaa  looga hadlay Arimaha Amniga ‘Dhaqaalaha,Siyaasada, Hormarinta Bulshada iyo la dagaalanka  Al-shabaab ee ku sugan Deeganada Koofur Galbeed

Inta uusan furmay shirka ayaa  waxaa lagu dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

Masuuliyiintan  cusub ee maanta la dhaariyay ayaa waxaa horay u magacaabay Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),  waxaana lagula dardaarmay in ay howshooda ku gutaan sidii looga tala galay.