Somali News

Maxaa guddoomiye Cabdi Xaashi ka baajiyey safarkii Dhuusamareeb?

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka baaqday safarkii uu maanta ku aadi lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Xogta aan helnay waxay tilmaameysa in sababta uu uga baaqday safarkaas ay tahay inuu jawaab ka waayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo uu xalay warqad u diray.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu go’aansaday ka baaqashada safarkiisa markii uu ogaaday in Madaxweynaha Soomaaliya uusan ku qancanasaneen arrintaas.

Warar kale ayaa sheegaya in isla xalay shirkadaha duullimaadyada lagu amray in aysan soo qaadi karin guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi, xariiro aan la sameynay guddoomiyaha weli kuma aanaa helin.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa shalay warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxuu uga dalbaday in lagu casuumo shirka lagu wado inuu maanta ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.