Sports

Maxaa helay? Ronaldo oo la dhigay isbitaal

Muqdisho-KNN-Halyeeyga xulka qaranka Barazil Ronaldo ayaa ladhigay isbitaal xili uu ku dhacay Hergab.

41 sano jirkan ayaa sida ay warinayaan warbaahino kuyaala Barazil waxa ay sheegayaan in la dhigay Can Misses Hospital.

Ronaldo ayaa 62 gool u dhaliyay Barazil isagoo luguhiisa kaga caawiyay inay Germany garaacaan kama danbaystii koobkii aduunyada 2002dii.

“Waxaan heystey sawir umuuqda inuu ihayo hargab xoogan, waxaana qasab igu ahaa inaan galo isbitalka”ayuu Ronaldo ku qoray bogiisa Twitter.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid, sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Barcelona, ​​Inter Milan iyo AC Milan, ayaa uga mahad celiyay taageerayaashiisa jacaylka ay u hayaan iyo taageeradooda.

Ronaldo ayaa fasax ku jooga Ibiza, halkaas oo uu ku leeyahay guri.

Xirfadiisa kubada cagta weeraryahanku wuxuu soo gabagabeeyay todobo sano ka hor misagoo kusoo idleeyay u ciyaarista kooxda Corinthians.

Ronaldo ayaa ku guuleystay horyaalka La Liga isagoo xiran fanaanada Real Madrid iyo Uefa Cup uu la qaaday Inter.

Wuxuu qeyb ka ahaa xulkii Brazil ee koobka adduunka 1994 inkastoo uusan ciyaarin walow islamarkaana xulkiisu uu ka caawiyay inay gaarto finalkii kooxkii aduunka1998.

Waxaan uu guuleystay Ballon d’Or abaalmarinta xiddiga ugu fiican sannadka 1997 iyo 2002.