Somali News

Maxaa ka hortaagan madaxweyne Farmaajo magacaabista R/Wasaaaraha Cusub ee soomaaliya?.

Waxaa maanta muddo hal bil iyo hal maalin ah laga joogaa markii uu xilkiisa uu waayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Balse madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan wali  soo magacaabin qofkii baddali lahaa.

31 maalmood ayaa laga dhowrayay madaxweynaha inuu ku dhawaaqo magaca Ra’iisul Wasaare cusub, waana waqtiga sharciga ah ee loo qabtay inuu kusoo gabagabeeyo xulashadiisa.

Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa  isweydiinaya  waxa xiga haddii uu madaxweynaha waqtigii loogu talagalay kusoo magacaabi waayo Ra’iisul Wasaare cusub.

Wararka ayaa sheegaya in weli madaxweyne Farmaajo ay haystaan caqabado badan, iyadoona weli ay socdaan kulamadii ugu dambeeyay uu ku soo magacaabayo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Kulan uu Baarlamaanka federaalka Soomaaliya yeeshay bishii lasoo dhaafay ayaa si lama filaan ah kalsoonida loogala noqday xukuumaddii uu hoggaaminayay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo xilligaas waxaa la hadal hayay qofka uu noqonayo siyaasiga fursadda loo siin doono inuu golaha wasiirrada mar kale soo dhiso.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa ay u dhagtaagayaan in madaxtooyada Soomaaliya laga shaaciyo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in saacadaha soo aadan uu madaxweyne Farmaajo uu magacaabi doono R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Halkan Ka dhegeyso Codka Madaxweyne Farmaajo xiligii uu magacaabayay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya