Somali News

Maxaa ka jira mooshinka laga wado Waare?.

Jowhar-KNN-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabelle ay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Tirada xildhibaanada mooshinka wada ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 40 mudane , kuwaas oo Waare ku eedeeyey in uu wax ka qaban waayey Arrimo badan oo ay kamid yihiin Amniga,islamarkaana Guddoonka Baarlamaanka ay u gudbin doonaan mooshinka ay ka wadaan Madaxweynaha.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa KNN u sheegay in mooshinka ay wadaan xildhibaano badan oo ka tirsan hirshabelle.

lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinkaan la sheegay in Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabelele ka wadaan Madaxweynaha maamulka hirhsabelle , waxaana xusid mudan in Madaxweynihii ka horeeyey Waare ee Cali Cabdullaahi Cosoble ay Baarlamaanka Hir-Shabelele xilkii ka qaadeen.

In ku 40 Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa mooshin xilka qaadis madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare u gudbiyey gudoonka baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay qodoba kala duwan oo ay ku jiraan xil-gudasho la’aan iyo in uu ku fashilmay ilaalinta Amniga iyo xasilinta Nabad-gelyada degaannada Hirshabeelle.

Mudanayaasha mooshinka diyaariyay ayaa ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka hirshabele iyo ku xigeenadiisa waxaaney u gudbiyeen warqad ay ku saxiixanyiheen magacyada xildhibaanada mooshinka gudbiyey.

Hadaba xildhibaan C.raxmaan Maxamed Guure ayaa arintan idaacada kulmiye uga waramay.