Somali News

Maxaa ka soo kordhay shirka ka socda Dhuusamareeb?.

Shirka wadatashiga ee ka soconaya Dhuusamareeb ayaan wali isfaham guud laga gaarin, waxaana ilaa xalay  shirka ka maqanaa  Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku doodaya in hadii aan maamulkiisa lagu soo wareejin gobolka Gedo aanu Markhaati  ka noqon doonin  shirka.

Ilo xog ogaal ayaa KNN u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka hor-yimid soo jeedinta qodobada xal ka gaarista arrinta Gedo, waxaana arrintaas ay keentay in shirka xalay  aanu ka soo qeyb galin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen  dhammaan Madaxdii kale.

Waxaa socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka Gobolka Gedo, iyada oo ay muuqato in Axmed Madoobe loo ogol yahay qayb ka mid ah maamulka Gobolka Gedo sida Duqa Magaalada Garbahareey oo ah goobta la isku hayo ee ay doorashadu ka dhacayso.

Waxaa soo dhamaaday guud ahaan shirkii, iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin weli

Lama oga isku dhawaasho ay sameyn doonaan madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb.

Wixii ku soo kordha la soco