Sports

Maxaa kasoo kordhay dhaawacii Neymar

Muqdisho-knn-Ciyaryahanka ugu qaalisan kubada cagta xidiga kooxda Paris St-Germain iyo xulka Brazil ayaa rajo wayn ka qabo in uu kasoomuuqanayo dhacdada koobka aduunka ee bartamaha June ka bilaawan doona dal qaboobaha Rusia.

26jirkaan ayaa dhawac uu soo gaaray isagoo ciyaaraya kulan ka tirsan horyaalka Ligue 1 , 25 Febuary ayay ahayd markii xidigan dhaawaciisu uu yimid.

“Waxaan rajaynayaa inaan soo kabto walib si dag-dag ah”ayuu warfidiyenada lawadaagay wiilka Brazil.

Nemar ayaa ah xidiga ugu qaalisan kubada cagta isagoo ka yimid August 2017 kooxda Barcelona kuna soo biiray kooxda PSG xiligaa wixii ka danbeeyay waxa uu u dhaliyay kooxdisa PSG 25 gool 11 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

Nemar ayaa laga yaabaa inuu kazoo muuqdo kulanka ugu horeeya xulkiisa Brazil ay ciyaarayaan koobka aduunka ayagoo wajahaya Switzerland 17 June ee sanadkan .

“riyadeedu waa inaan ciyaaraa koobka aduunka, waxaan sameeya shaqo adag ,waan u dadaala inuu riyadaas ka dhabeeyo”

Nemar ayaa lasii shaacinayaa inuu kusoo laaban doono garoomada 17 May.