Uncategorized

Maxaa looga hadlay  kulamo xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Muqdisho-KNN-Wararka maanta laga helaayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa tilmaamaya in xalay magaaladaas ay ka dhaceen kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay xubno ka tirsan barlamaanka Hirshabee iyo masuuliyiinta sare ee maamulkaas.

Kulamadaas ayaa ahaa kuwoo lagu lafagurayay lacag hal milyan ah oo xubno ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle ay tilmaameen in la lunsaday.

Warar hoose oo KNN ay heleyso ayaa tilmaama in masuuliyiinta sare ee maamulkaas ay ku guuleysteen in ay Kala fur furaan xubnaha barlamaanka maamulkaas, kuwaas oo sheegay in masuuliyiinta sare ay uga fadhiyaan halka ay ka baxday lacag dhan hal milyan oo Dollar.

Barlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa shalay kulan ay la haayeen wuxuu u baaqday kooram la’aan ka dib markii ay soo buuxin  waayeen xubnaha barlamaanka  kulankaas, iyadoona soo xaadiri la’aanta kulankaasina la sheegay in ay ku lug lahayeen madaxda sare ee maamulkaas.

kulankaas ayey xubnaha barlamaanka waxay Kaga doodi lahayeen lacagta hal milyan ah oo  maamulka Hirshabeele uu ka helay  Dowlada Soomaaliya oo loogu tala galay in maamulka Hirshabeelle uu ku maareeyo arimaha amniga sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan barlamaanka  Maamulkaasi.