Somali News

Maxaa looga hadlay kulanka ay maanta yeesheen Golaha wakiillada Puntland?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 13-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Rashiid Maxamuud Yuusuf oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Ruqsadaha, Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, isaganoo markaa kadib ka jawaab celiyay.