Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale ayaa maanta waxaa uu hortagay Xildhibaanad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ugu horeyn waxaa warbixin ku saabsan jaamacada uu siiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in hormar balaaran ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.
Xildhibaanada ayuu ka dalbaday Gudoomiyaha in Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hada gaareysa 3 Milyan.
Ugu dambeyntii Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda.


