Somali News

Maxaa looga hadlay kulankii Gollaha wasiiradda dowlad Goboleedka Jubbaland?

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahaayeen golaha wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka halkaasi oo uu kaga soo qaybgalay doorashada Madaxweynaha JFS.

Dhanka kale Madaxwaynaha Jubbaland ayaa gollaha wasiirada la wadaagay xaaladda guud ee dalka, iyo is bedelka hogaamineed ee dalka ka dhacay.

Gollaha wasiiradda ayaa dhankooda warbixin guud ka siiyay Madaxwaynaha Jubbaland xaaladda guud ee degaanadda Jubbaland, waxaana la sheegay in Gollaha wasiiradda iyo Madaxweynaha Jubbaland ay falanqeeyeen xaaladda Gobolka geedo, oo marar badan maanulka Axmad madoobe dalbaday in gacanta gobolkaasi dib loogu soo celiyo.