Somali News

Maxaa looga hadlay kulankii xalay ay ku yeesheen madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Mucaaradka

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan shiikh, Shiikh Shariif iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuuseen, iyadoona kulanka uu ka dhacay guriga uu madaxweyne Qoor qoor ka degan yahay Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Cakiran ee xilligan uu marayo Dalka iyo muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay”addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.


Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka.

Hasayeeshee maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan muddo kororsiga, kaddib markii warqad laga qoray Madaxtooyada dhowr habeen ka hor ay labadan Maamul uu mid beeniyay, halka midka kalena uu taageeray..


Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in madaxweyneyaasha Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay u Cadeeyeen Madaxweyneyaashii hore ee Dalka in ay ka soo horjeedaan Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Midowga Musharaxiinta ayaa maamulada Galmudug iyo Hirshabelle culeys ku saraya inay ka hor yimaadaan mudo kororsiga ay golaha shacabka u sameeyeen madaxweyne Farmaajo, taas oo hadii ay dhacdo noqoneysa tallaabo fududeysa in Madaxweyne Farmaajo laga hor istaago mudo kororsiga, sida ay sheegaeen dadka falanqeeya arrimaha siyaasada.