Somali News

Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirrada Puntland ?.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Waxbarashada, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha Puntland iyo qodobo kale.

Deegaanada Maamulka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayey falal amaanka lidiga ku ah iyadoo dhawaan ciidamada dowlad goboleedka Puntland ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha AL-shabaab iyo daacishta ka dagaalama Soomaaliya.