Somali News

Maxaa looga hadlay shirkii khamiislaha ee Golaha Wasiirada Jubbaland?

Kismaayo-KNN-Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubbaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Sidoo kale Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow  sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Juba.

Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruuc shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.