Somali News

Maxaa looga hadlay shirkii u dhexeeyay beesha Caalamka iyo maamul goboleedyada?.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xalay xarunta UN-ka ee Xalane shir gaar ah kula yeeshay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taabacsan dowladda federaalka ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.


Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wadahadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada.


Ilo ku dhow shirkaas ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, Hirsharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka, ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..


Wararku waxay intaas ku darayaan xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay in garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.
Khamiista maanta ah ayaa la filayaa in wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ay la kulmaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirka, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas.


Waxaa shalay natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxayna markii lagu kala tegay xukuumaddu shaacisay in Jubbaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, isla markaana ay diideen wax kasta oo xal ah.
Haseyeeshee war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Jubbaland iyo Puntland waxay ku sheegeen in aysan ka warqabin shir fashilmay, balse kaliya ay ka war hayaan in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in latashiyo uu soo sameeyo maalmo aan la cayimin.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay sidoo kale cadeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka iyo sii socoshada shirarka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.


Xubnaha beesha caalamka ayaa la sheegay in kulankii xalay ay culeys ku saareen madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin.


Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka.


Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.

Sida aad ku dhageysateen wararkii iyo barnaamijyadeenii hore Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ka socon la’yihiin wadahadalladii xalka loogu raadinayey khilaafka doorashada, isla markaana uu fashilmay shirkii ka socday Afisyooni.