Somali News

Maxaa looga hadlayaa kulanka Aqalka Sare

Aqrinta labaad ayay marsiinayaan xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya sharciga batroolka kaasi oo horay ay ugu soo horjeesteen maamul gobaleedyada dalka ka jira xubno kamid ah.

Sharcigaan ayaa sidoo kale waxaa qeylo dhaan ka muujiyay siyaasiyiinta qaar ee dalka ku nool kuwaaa oo sheegay in dowladda ay dooneyso in xirmooyin ka mid ah shidaalka sooamaliya ay ka iibiso shirkado caalami ah inkastoo markii dambe xukuumadda ay beenisay arrintaasi.

Sidoo kale xukuumadda soomaali ayaa shaacisay kol hore in lacagtii ugu horeysay oo kiro ah ay ka heshay shidaalka soomaaliya baaritaannada lagu sameeyay, waxaana lacagtaasi bixiyay shirkadaha shelle iyo axon mobil.

Xildhibaannada aqalka sare ayaa aqrinta labaad kaddib dood adag gelinaya sharcigaan batroolka ee horyaalla.

Sharcigaan batroolka ah ayaa waxaa qeyb ka ah heshiiskii qeyraadka ee madaxda dowladda federaalka ah ee iyo kuwa maamul gobaleedyada ay ku gaareen shirkii ka dhacay magaalada baydhabo ee gobalka bay 6dii bisha juun ee 2018ka.