Somali News

Maxaa looga hadlayaa kulanka golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan kulan aan caadi aheyn, kaasi  oo looga hadlayo qodobo dhowr ah.

Ajanda kulanka ayaa maanta waxaa looga  doodi doonaa Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka kuraasta Goboladda Waqooyi,kaasi oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaankii kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada aqal waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday inay ka aqbalaan in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare.