Somali News

Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan yeelanaya, Todobaadkii xorriyadda kadib markii ugu horeysay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Warbixin laga dhageysanayo guddiga Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Sharciga wax ka badalka Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, kaas oo horay uu Goluhu u marsiiyey Akhrinta koowaad, waxaana la sheegay in lagu samey doono dib u eegis balaaran.

Banka Aduunka iyo Hey’adda lacagta Aduunka ee IMF ayaa horay uga dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay tira koob sax ah ku sameyso Shaqaaleheeda Rayidka ah iyo Ciidankeeda, taas oo ka mid ah shuruudaha Deyn cafinta oo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta warbixin kaga dhageysa doona guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.