Somali News

Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Xildhibaanada Aqalka Sare?

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kala fadhiga 5-aad kulankiisa 11-aad.

Fariin xalay lagu war galinayey Xildhibaanada ayaa u dhigneed sidaan “Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare waxaa lagu wargelinayaa  In bari oo Axad ah taarikhdu ay tahay ,21.07.2019, Saacada 9:00 a.m ay yimadaan xarunta Aqalka Sare, Ajandaha: 1-Akhrinta 2aad ee SHARCIGA XUQUUQDA SIYAASIYIINTA DOWLADDA”

Xildhibaanada Goalaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay oo Sabti ahey kulan ay yeesheen ayaa waxa uu ahaay Ajendaha shirkooda Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii shalay oo ahaay kii 10-aad ee kalfadhiga 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana soo xaadirtay 29 Senator.