Somali News

Maxaa looga hadlayaa maanta kulanka golaha shacabka?.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maaanta waxaa lagu wadaa in ay  kulan ku yeeshaan  xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa,si ay u guda galaan akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga