Muqdisho-KNN-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii labaad waxaana goob-joog ka ah shirka dhamaan madaxda maamul goboleedyadda gobolka banaadir iyo Ra’iisul wasaare rooble.
Qodobadda la filayo in maanta shirka looga hadlo ayaa waxaa kamid ah, Amniga doorashada ,Habraacyada doorashada iyo in Jadwal doorasho oo cusub in lasoo saaro, sidoo kale waxaa soo baxayo warar sheegayo in iyana laga hadli doono in hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka, in kastoo aan la hubin qodobkaasi.
Shirka maanta inta uu socdo waxaa la filayaa in Madaxda maamul goboleedyadda ay kulamo doceedyo la yeeshaan xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka, Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Gabagabadda shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro heshiis buuxa oo ay ku mideeysan yihiin maamul goboleedyadda, gobolka banaadir iyo Ra’iisul wasaare Rooble si loo daadejiyo Doorashadda golaha shacabka.