Somali News

Sawirro:-Maxaa looga wada hadlay kulankii ay yeesheen wafdigii ka socday Eritrea iyo madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Yemane Gebreab.

Wafdigaan oo maanta kasoo dagay Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqasho 18kii bishii hore march ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu layeeshay wafdiga reer Eritrea ayaa waxaa ku wehliyay Ra,isul wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka arimaha dibadda & iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo lataliyaha dhanka amaanka ee madaxweynaha Cabdi Saciid M. Cali waxaana intiisa badan lasheegay in lagu lafa-guray arrimaha gobolka, dardargelinta, isdhex galka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.