Sports

Maxaa sababay inuu Gerard Pique ka fadhiisto xulkiisa Spain?

Muqdisho-KNN-Daafaca Barcelona ciyaaryahan Gerard Pique ayaa xaqiijiyay inuu ka fadhiistay u dheelida xulkiisa Spain.

31-sano jirkaan ayaa si maldahan u sheegay ka hor koobkii adduunka ee xagaagaan ‘kani wuxuu ahaan doona kii iigu danbeeyay malahaygu’ isagoo hadda si rasmi ah shaaca ka qaaday in aanan mar dambe uusan diyaar u ahayn inuu u dheelo Spain.

Pique ayaa marar badan ay ku ooriyeen taageerayaasha Spain Inkastoo u ciyaaro xulka qaranka sababtaas ayaa lagu micneeyay in uu ka ciyaaro gobolka jecel inay ka go’an Spain inteeda kale.

Si kastaba ha ahaatee, daaficii hore ee Manchester United ayaa ku faanay inuu nasiib u yeeshay inuu qeyb ka ahaado xulkiisa intii lagu jiray waqtigii quruxda badan iyo guulaha uu la qaybsaday waxaana uu yiri “go’aankan oo kale horey ayaa loo sameeyay waqti dheer ka hor aniguna si fiican ayaan uga fakary kayga “.

Pique ayaa ciyaaraha ka fariistay isagoo 102 kulan u saftay dalkiisa, waxaana uu badiyay 73 ka mid ah tan iyo markii uu ku soo bilowday 2009kii.

Ninka Barcelona ayaa ka mid ah 13 ciyaartoy oo u soo ciyaaray qarankiisa Spain, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ahaa guushii Koobka Adduunka 2010 iyo Euro 2012.