Somali News

Maxaa salka ku hayaa bandowga mar kale lagu soo rogay dalka Ingiriiska?

London-KNN-Dowladda Ingiriiska ayaa amartay mar kale in dadka wadankaasi ay guryahooda joogaan waxaana la mamnuucay isku imaatinka bulshada si looga hortago faafitaan xaanunka Karoona oo dalkaasi hadda aad ugu badan.

Khudbad uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johson ayuu ku sheegay inay qasab tahay in guryaha la joogo.

Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu sidoo kale amray in goobaha waxbarashada la xiro daraasadana loo badalo in lagu qaato hab online ah sida uu yiri.

Hawlwadeenada caafimaadka dalka oo dhan ayaa heegan la galiyay waxaana ra’iisul wasaaruhu sheegay in dhawrka todobaad ee soo socda xaalad bandaw ah la galayo.

Xanuunka saf mareenka ah ee Karoona ayaa walwal badan ku haya dawladaha caalamka waxaana uu ku dhacay qiyaastii 85 million oo qof adduunka oo dhan halka ay u geeriyoodeen ku dhawaad 2 million oo ruux.