Somali News

Maxaa sanadkan ku soo kordhay doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliland ?

Kadib markii xalay saqdhexe ay guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland ay ku dhawaaqeen doorashada golaha wakiilada Soomaaliland iyo deegaanka gobolka Maroodi-Jeex ayaa waxaa ay hadal hayn badan ay ka dhalatay sida ay u kala guuleysteen musharxiintii tartanka galay iyadoo aysan jirin haweenka kusoo baxay golaha wakiilada.

Doorashooyinkii ka dhacay deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa dhamaan Haweenkii ka sharaxanaa Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid kuwaas oo  ka sharaxnaa gobolada Soomaaliland ay noqdeen kuwa wada dhacay.

Haweenkan ka sharaxnaa Xisbiyada maamulkaas ayaan sanadkan nasiib u helin inay ka mid noqdaan xildhibaanada soo baxay ee golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanada fadhiisan doona Aqalka Wakiilada Soomaaliland ayaa dhamaantood noqon doona rag kuwaas oo aysan ku jirin wax dumar ah.

Doorashadii dhawaan ka dhacday deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa ka duwaneyd sanadihii hore maadama ay ahaayeen labo doorasho oo kala ahaa golaha wakiilada Soomaaliland iyo deegaanka.