Uncategorized

Maxaabiis ka baxsaday Xabsi ku yaala dalka Koofur Afrika

Muqdisho-KNN-Koox maxaabiis ah oo xukun sugayaal ah, laguna tuhunsanaa dambiyo kala duwan ayaa markaliya oodda jabsaday xabsiga ugu weyn ee magaalada Johannesburg, ee dalka Koonfur Afrika kaas oo lagu magacaabo Sun City.

Sida ay sheegeen saraakiisha asluubta Koonfur Afrika, maxaabiista baxsatay ayaa tiro ahaan gaaraya 16 qof, waxaana la sheegay in ay jiireen birihii albaabka xabsiga, kadibna silliga xeendaabka xabsiga ka talaabeen.

Qaarkood ayaa loo heystaa dilal, kufsi iyo tuugonimo, waxaana la sheegay in ay yihiin dad aad halistooda u badantahay.

Wariye ka hawlgala warbaahinta qaranka dalkaas ee SABC ayaa boggiisa Twitter-ka ku faafiyay sawirrada raggan iyo waxyaabaha ay ku kala eedeysanyihiin.

Xabsiga Sun City ayaa ah kan ugu weyn ee ku yaala Johannesburg, waxaana loogu magac daray magaalada dalxiiska iyo tamashlaynta loo tago ee Sun City oo ku taala gobolka Waqooyi Galbeed, taas oo ah magaalada kaliya ee leh gidaaro lagu xeendaabay, lehna ganjeel weyn oo laga galo.

Sababta loogu magac daray ayaa ah qaab maad ah, maadaamaa raaxada magaaladaas taala iyo rafaadka xabsigan yaala ay aad u kala duwanyihiin.

Singabakho Nxumalo oo u hadlay wakaalada xabsiyada ayaa sheegay in ay hayaan macluumaad ku filan oo raggan dib loogu soo xiri karo.