Somali News

Maxaabiis laga keenay  Uganda oo Dib ugu soo laabtay dalka.

Muqdisho-KNN- Lix Muwaadiniin Soomaali ah oo tan iyo 2014-kii  ku xirnaa Dalka Uganda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii Dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sii deyntooda.

Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka  Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa dhawaan waxaa laga soo daayay  Dalalka Itoobiya, India, Siishelis iyo Liibiya.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku dhibaateysan yihiin dalalka Caalamka, iyadoona dowlada Federaalka Soomaaliya ay wado sidii dib looga soo celin lahaa dalka.