Jighjiga-KNN-Axmed Cabdi Maxamed waa 32jir waxa uuna ku dhashay sanadkii 1986-dii degmada Garbo ee Gobolka Fiiq ee Dowlad deegaanka Soomaalida.
Axmed waxa uu kasoo jeedaa deeganada Soomaalida ee Itoobiya ay heysato, waa aqoonyahan wax ka bartay Jaamacadaha Diridhaba Iyo Bahardar.
Markii ugu horeysay ee Masuuliyad Maamul uu qabto waxa uu noqday madaxa maaliyadda magaalada Godey, waxaa usii xigay inuu noqday Duqa degmada Qabri-daharre, waxa uuna markii danbe noqday xubin sare oo ka tirsan Xisbiga maamula Dowlad deegaanka ee ESPDP.
Dhowrkii sano ee in dhaafayna waxa uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee maamulkii Cabdi Maxamed Cumar.
Madaxweyne Axmed Cabdi Maxamed ayaa waxa uu saaxiib dhaw la yahay madaxweeynihii hore ee Kilinka Shanaad, waxaana la aaminsanyahay in isbadal uusan ka dhicin deegaanka oo wali nidaamkii Cabdi Cumar uu shaqeynayo.
Dad badan oo kasoo jeeda Dowlad deegaanka Xaaladda halkaa ka jirtana si dhaw ula socda ayaa inoo xajiiyiyay in ninka cusub ee la magacaabay uu kamid ahaa raggii horseedka ka ahaa xasuuqii ka dhacay Kilinka Shanaad intii uu xukunka hayay Cabdi Maxamuud Cumar.