Somali News

Maxay ka wada hadleen MW kuxigeenka Hirshabelle iyo Safiirka Sweden ?

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Hirshabeelle kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulankaan ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan sida Arrimaha doorashooyinka amniga horumarinta iyo bini’aadanimada.

Kusimaha Madaxweynaha iyo Ambassador Staffan Tillander ayaa si gaar ah uga hadlay fulinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Gobolka iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Hirshabeelle.

Safiirka ayaa shwegay iney wax badan ka qaban doonaan mashaariicda ay ka geystaan deegaanada maamulka Hirshabelle