Somali News

Maxakamadda ciidamada oo xukun ku riday xubno ka tirsana Daacish

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha ururka Daacish.

October Lix iyo tobankeedii sanadkaan ayey Ciidamada amniga oo gaaf wareeg ku jiro waxa ay qabteen Cabdiqani, waxa uu watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnur, Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga helay agabyada loo istcimaalo

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.