Uncategorized

Maxamuud C/llaahi oo buuxiyay kursigii uu ka geeriyooday walaalkiis wasiir Cabaas Siraaji.

Kismaayo-KNN-Maxamuud Cabdulaahi Siraaji oo ay walaalo yihiin Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta ee xukumada hadda jirta oo sanadkii hore lagu dilay meel u dhaw Madaxtooyada Sooomaaliya ayaa ku guuleystay kursigii uu ka geeriyooday walaalkiis ee ka banaanay Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Kursigaan ayaa doorashadiisa waxay ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaana u muuqday kursi aan lagu tar tamin maadaama dhamaan ergooyinkii codeynaayay ay codkooda siiyeen Maxamuud Cabdulaahi Shiikh Siraaji, oo wax cod ah aysan helin Fardowso Xuseen Maxamed oo u taagneed qabashada kursigaan.

Maxamuud Cabdulaahi Shiikh Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo oo muujineysa in si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis ee Golaha shacabka waxaa uu ka mid noqonayaa dhalinyarada ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya wixii xiligaan ka danbeeya.