Somali News

Maxay ka wada hadleen Cumar Filish iyo safiirka Turkiga ee Somalia?.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar-Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga ee Soomalaiya Mr. Mehmet Yilmaz.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay si wadida Mashaariicda Horumarineed ee Dowladda Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Turkiga ayaa balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.