Somali News

Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Macalin Maxamuud?

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sebriye ayaa xalay hooygiisa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in diiradda lagu saaray arimaha doorashada Galmudug iyo sii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan soo xulidda baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Warar hoose oo aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Macalin Maxamuud ka dalbaday inay Ahlu-Sunna dib u dhigato 20-ka xildhibaan, isla markaana odayaasha dhaqanka fursad loo siiyo inay marka hore soo xulaan 69-ka xildhibaan ee kale, iyadoo beel kasta ay iska reebeyso labo kursi markaas kadibna ay Ahlu-Sunna soo xulato 20 keeda mudane. 

Sidoo kale kulan uu Kheyre shalay la qaatay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la sheegay inuu ugu soo bandhigay arintaas, balse uu u gudbiyey Macalin Maxamuud oo ah hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna. 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo aad ugu dhaw dhinacyada Kheyre ayaa dalabka ah in dib laga soo xulo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna, waxa uu ku macneeyey inay tahay wadada kaliya ee lagu xali karo tabashada ay qabaan beelaha qaar ee ku aadan xildhibaanada Ahlu-Sunna.

Horay ayaa qaarka mid ah odayasha dhaqanka beelaha Galmudug waxay u sheegeen in Ahlu-Sunna ay go’aan ka wada gaartay xildhibaanadoodi oo ay soo xushay, isla markaana aysan ku qanacsaneyn.