Somali News

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Masar?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kugan dalka Masar ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Cabdulfataax Al-siisi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku aadan xoojinta xiriirka Caalamiga ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.