Somali News

Maxay ka wada hadleen Shiikh Shariif iyo Cali Guudlwaawe?

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashada ka socota dalka ee geba gabada mareysa.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen Doorashada saddexda kursi ee maalinta berri ka dhaceysa magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Saddexda kursi ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee kuraasta Deegaan Doorashadoodu tahay maamulka Hirshabeelle.