Muqdisho-KNN-Waxaa 17-kii bishan September safar Muqdisho ku yimid Taliyaha sirdoonka dalka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa.
Taliyaha Sirdoonka Angola ayaana kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin , waxaana soo baxaya faah faahino dheeraad ah oo laga helayo kulanka labada dhinac.
War qoraal ah oo hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ka soo baxay waxaa lagu sheegay kaliya in ay ka wada hadleen wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii ay Angola uga faa’ideysan lahayd qibradda NISA ee la dagaalanka argegixisada.
saraakiil u xog waramay KNN waxay sheegeen in waxyaabaha laga wada hadlay ay qeyb ka tahay macluumaad dheeraad ah oo Taliyaha sirdoonka Agola ku wareejiyay Fahad Yaasiin kuna aadan qaraxii diyaaradda Daalo ee Muqdisho ka dhacay 2016.
Qaraxa oo ahaa mid Computer lagu soo xiray ee lala beegsaday Diyaaradda Daalo Airline, ninka qaraxa fulin rabay ayaa lagu sheegay in uu Ticketka kasoo jartay Shirkad Travel Agency oo xafiiskeeda yahay Caasimadda Angola ee Luanda.
Tan iyo xiligaas waxaa soconayay baaris taasi oo macluumaad laga helay lagu wareejiyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.
Waxaa xusid mudan in mudooyinkii u danbeeyay ee ay Muqdisho safaro ku yimaadeen qaar kamid ah Taliyaasha sirdoon ee dowladaha saxiibka la ah Soomaaliya.
Waxaa kamid ah taliyaasha sirdoon Muqdisho horey u soo gaaray kuwa dalalka Suudaan , Qatar Angola iyo kuwo kale.