Somali News

Maxay ka wada hadleen Talyeyaasha Ciidamada Soomaaliya iyo Burundi?

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo oo safar shaqo ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, gaar ahaan sidii Ciidamada Xoogga iyo Howlgalka ATMIS u xoojin lahaayeen iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Talyaha Ciidamada Burundi ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay, isaga oo ballan qaaday in labada dhinac ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan la dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka ayaana ku soo aadaya xilli, dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay bil ka hor weerar ka dhacay deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellad Dhexe ku dileen in ka badan tobanaan oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga dalka.