Somali News

Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Danjiraha UK ee Soomaaliya? 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta kala ah Kate Foster safiirka dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya iyo Ergayga Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika & Badda Cas ee Philip Parham. 

Wasiirka maaliyadda, Safiirka Dowladda UK iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa waxa ay kawadahadleen sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa waxa ay kamid tahay Dowladdaha sida aadka ah u taageero Soomaaliya waxa ayna qeeyb weeyn ka geeysatay Dib u habeeynta dhaaqalaha, iyo dhisidda Ciidamada qalabka sidda.