Somali News

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland iyo Wakiilka Q.M?

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose kulan ku yeeshay Wasiir Amniga Gudaha Jubbaland  S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal iyo Wakiilka Qaramada Miboobay uu fadhiya Maamulkaas. 

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hayada UN-ka U fadhiya Jubbaland  iyo Saraakiil Ka Socotay UN Boolis”

Wasiirka iyo Wakiilka hay’adda UN-ka ayaa kulankooda diirada ku saaray wada shaqeynta dhinacyada Iyo horumarinta Booliiska Jubbaland.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay Wakiilka dadaalkiisa iyo garab istaaga buuxa ay la garab taagan yihiin Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Jubbaland.