Muqdisho-KNN-Senetorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.
Senetorada ayaa loo diray fariin lagu war galinayo in ay Axada maanta ee 27-ka October Saacadu marka ay tahay 9:00 a.m subaxnimo ay soo xaadiraan fadhi guud oo golaha.
Ajendayaasha kulanka maanta ee golaha Aqalka Sare ayaa kala ah: 1.akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) 2. akhrinta 3aad ee Sharciga xuquuqda siyaasiyiinta dowladda.


