Somali News

Maxay kawada hadleen maxaxweynaha Puntland iyo safiirka Sweden?

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,  ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulanka  waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, iyo sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada ee salka ku haya hirgelinta heshiiskii 17 septembar ee ay kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada .

Beesha Caalamka ayaa wada dedaalo xooggan, kuwaasi oo ku aadan sidii ay loo qaban lahaa lahaa shir loo wada dhanyahay, kaasi oo looga tashanayo xallinta khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya.