Somali News

Maxay kawada hadleen RW Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka, xilli uu weli taaganyahay muranka doorashada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay doorashada dalka iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan in ay qabsoonto doorashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wakiilada Beesha Caalamka ka dhageystay arragtiyo ku aadan habku ku haboon ee loo qaban karo doorashada dalka.

Kulanka kadib Ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twiter-ka isagoona yiri sidan:

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.”