Somali News

Maxay Koonfur Galbeed kala hadashay Hay,adda Unicef?

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka Socday Hay,adda Unicef kuwaa oo Maanta gaaray magaalada Baydhabo oo xarunta kumeelgaar ah ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale hogaaminayay Wakiilka Hay,adda Unicef Soomaaliya Madam Wafaa saeed.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa waxa ay  Wafdiga iyo Agaasimaha Madaxtooyada kaga wada hadleen Xoojinta Kaalmada Hay,adda Unicef ay siiso Dadka Barakacayaasha ee ku nool degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu Saamaysay ee ku Nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kamid ah gobolada ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta guud ahaanba Soomaaliya oo kasii dareeysa marba marka ka danbeeysa, taas oo isku badashay macaluul sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka qaramada midoobay.