Somali News

Maxay QM ka tiri taageerada Turkiga ee Soomaaliya?

Muqdisho-KNN-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maalgashiga dowladda Turkiga ee Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey wargeyska Daily News, waxuuna aad u boggaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay dowladda Turkiga ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maalgashiga ayaa haatan gaarsiisan qadar dhan $ 1 bilyan oo aysan ku jirin howlaha bani’aadanimo iyo horumarinta.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey James Swan in maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkiga ay sare u qaaday kobaha dhaqaalaha ee dalka, ayna yareysay  shaqo la’aanta dhalinta Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa nooga diyaariyey Weriyaha Idaacadda Kulmiye Liibaan Nuur Lugcad.