Somali News

Maxay tahay caqabada ku hor gudban in lasoo celiyo heshiiskii Niyukleerka Iran?

Wadahadalada looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo heshiiskii 2015-kii ee nukliyeerka Iran, kaas oo loogu talagalay in lagu hubiyo in Iran aysan waligeed helin hub atomic ah ayaa ka furmaya magaalada Geneva.

Iran iyo Mareykanka labaduba waa ay joogaan, laakiin si fool ka fool ah uma kulmi doonaan, diblomaasiyiinta reer Yurubna waxaa la filayaa inay marka hore ay dhexdooda is arkaan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskaasi ka baxay ku dhowaad saddex sannadood ka hor, wuxuuna xukuumadda Tehraan ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale.

Iiraaniyiinta oo cunaqabatayntaasi ka falcelinaya ayaa waxay bilaabeen inay jebiyaan ballanqaadyadii ay sameeyeen si loo xakameeyo howlahooda nukliyeerka.

La-taliye ka tirsan Hay’adda ka-hortagga Xasaradaha Adduunka oo lagu magacaabo, Dina Esfandiary, ayaa warbaahinta u sheegtay in dhammaan dhinacyadu ay u muuqdaan inay doonayaan dib ugu laabashada heshiiskaasi, hase yeeshee waxa la isku haystaa cidda ay tahay inay sameyso tallaabada ugu horreysa ee lagu gaarayo heshiiska?