Somali News

Maxay tahay saameynta dalalka deriska la ah ka soo gaari karta dagaalka Itoobiya?

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobey António Guterres oo isku dayayay in uu xaaladda dajiyo ayaa ka digay “in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka geeska Afrika”.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool dad gaaraya 110 milyan, isla markana waa mid ka mid ah dalalka sida dhaqsada ah u koraya, waxa walba oo Itoobiya ka dhacana waxaa uu yeelanayaa saameyn ballaaran .

Iyada ay taasi jirto ayaa hadana waxay dowladda fedaraalka ee Itoobiya ku gacan seyrtay baaqyada ah in qaab wada-xaajood ah lagu xaliyo muranka kala dhaxeeya xoogagga TPLF ee maamulka gobolka tagrey.

Wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah lagu laayay gobolka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya “waxaa uu u dhigmaa dambiyo dagaal” haddii la xaqiijiyo, waxaa sidaasi ka digtay madaxa guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo wararka sheegaya in laga yaabo in boqollaal qof lagu dilay hal magaalo.

Rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay in xasuuqaasi ay geysteen xoogag daacad u ah hogaamiyayaasha Tigray.

Saraakiisha TPLF ayaa waxay beeniyeen in arrintani ay ku lug lahaayeen.

Hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa u sheegay wakaaladawararka ee AFP in eedeymahani ay yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona laheyn”.

Mr Abiy ayaa waxaa u sheegay in dagaalyahanada (TPLF), ay dhibaatadan geysteen ka dib markii ciidamada fedaraalka ay ka ” xoreeyeen” Koonfurta gobolka Tigray, ka dib na ay “si arxan daro ah u laayeen ” dad rayid ah oo aan waxba galabsan islamarkana ku sugnaa magaalada Mai-Kadra.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay xoogagga daacadda u ah TPLF ay ku eedeeyeen dilalkii dhacay Isniintii, sida ku xusan warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International.